29–31 Dec 2022
Jazeera Hotel
Africa/Mogadishu timezone

SHIRWEYNE QARAN   "MAANDOORIYAHA & SAAMEYNTIISA CAAFIMAADKA DHALLINYARADA"

Hordhac

 

Sanadkii 2014, tiradda dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka oo dhan waxaa lagu qiyaasay inaay ahayd 12.3 Million. Sida waddamadda dhaxa saxaraha Afrika, tiradda dadka Soomaaliyeed waxaay u badan yihiin dhalinyaradda kuwaas oo lagu qiyaaso inaay yihiin 75% kuwa dadooddu ka hooseeeyso 30 sanno kuwaas oo 50 % aay dadooddu ka yartahay 15 sanno jir.

 

Sida aan ka soo xigannay Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 2020 ilaa 2024 ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaal ka Soomaaliya, waxaa lagu ogaaday sahan la sameeyeey 2017 ilaa 2018 waxaa lagu ogaaday in 40% dadka Soomaaliyeed aay ku nool yihiin magaalooyinka oo weliba aay si xawli ah aay ugu soo badanayeeysida magaaladda Muqdishu oo aay ku nool yihiin 10%,  halka dadka xoolla dhaqatadda ahna lagu qiyaasay inaay yihiin 26%, kuwa isugu jira isku dhafka beeeraleey iyo xoollo dhaqato oo ahn 23% iyadoo aay wehliyaan dad lagu qiyaasay 9% barakacayaal collaadaha iyo aafooyinka dabiicigaa aay soo barakiciyeen. Dhinaca kale korarka dadka Soomaalieed ee 20 kii sanno ee la soo dhaafay oo ahaan jiray 3.4 % balse hoos u dhacay waa 2.9 % taas oo muujinaayoo hoos u dhuc ku yimid dhalmada isla waqtigaas oo ahayd 2017kii.   

 

Haddaba anagoo ku saleeyneeyno xogtaan kor ku xusan, waxaa hadda lagu qiyaasaa tiradda dadka Soomaaliyeed inaay tahay 14.3 Million. Horaaantii 2019 kii waxaa lagu qiyaasay barakacayaasha Soomaaliya dhexteedda ku  barakacay inaay yihiin 2.4 Million oo ah 17 % tiradda dadka Soomaaliyeed kuwaas oo ay soo barakciyeen collaaddo iyo aabbaaraha isbedelka Cimiladda la xiriira, taas oo aay u sii dheer yihiin 877,000 qaxooti ah ee ku sugan wadamadda aan deriska nahay waxaana soo badanaayo qaxootiga dalka ku soo laabanayo oo ka immaanaayo xeryaha dhadhaab  Gobalka Waqooyi Bari ee Kenya kuwaas oo sanadkii 2016 lagu qiyaasay inaay dhan yihiin 52,000 oo sanadkii 2017 isla markaasna 29, 000 ka mid ah qaxootigaas aay ku soo laabteen dalka sanadkii 2017.

 

Dhinaca kale waxaa jira qurbajoog badan oo dalka u soo laabto iyagoo keenna ilmahoodda oo u badan dhalinyarro ku barbaaray dhaqanadda dalalka dibadda oo aay ka yimaadeen qaar ka mid ahna loo keenno dhaqan clein iyo kuwa da’ yar oo loo keenno in la barro dhaqanka Soomaaliyeed iyo diinta islaamka si aaysan u saameeyn dhaqannadda deegaanka aay ka yimaadaan.

Sababaha Loo Qabanaayo Shrweynahaan

Waxaan ognahay inaay ku soo badanayaa dadka isticmaalla maandooriyayaasha gaar ahaanna aay dhibaato weyn ku haayaan dhalinyaradda badankoodda. Dhinaca kale, Isticmaalka maandooriyayaasha kala duwan oo aay ka mid yihiin: Khaadka ama Jaadka oo aan Soomaaliya looga aqoonsaneeyn inuu ka mid yahay maandooriyaasha caalamka looga aqoonsanyahay amaba lagu darin inuu yahay maandooriye in kastoo aay ku jiraan maadooyin ama walxaha kimikadda ahh oo dhibaato badan u leh caafimaad dadka istcimaala jir ahaan iyo maskaxba dadka cunna khaadka/ama Jaadka. Waxaa kaloo maandooriyaasha isticmaalkooddu dalka ku soo badanaaya ku jira Xashiiska (Cannabis sativa) ama Marijuana, kokeeynta (Cocaine), herowiin (Heroin), Halasojiin (Hallucinogens), iyo kooladda (Glue/Solvents) neefta lagu qaato. Sidoo kale waxaa jiro daawooyin si qaldan loo isticmaallo sida keniiniyaal tirro badan oo la cunno ama cirbaddo la isku duro sida Amphetamines, Tramadol. Waxaa kaloo ku soo batay dalka gaar ahaan ardayda dugsiyadda dhexe, sare & Jaamcadahaba isticmaalka maandooriyaha loo yaqaan Tabuuggga oo sida tubaakadda oo kale cirridka hoostiisa aay u gashtaan ardayda da’da yar kuwaas oo aaminsan inuu siinaayo dareen aay wax badan ku hilmaamaan sida gaajadda, welwelka IWM.  Waxaa soo raaco kuwaan oo ku soo badanaayo Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Banadir isticmaalka qamriga sida biirka (beer) iyo isbiiritadda kale oo dibadda laga keenno oo duumaaleeysi lau soo geliya dalka ama si qarsoodi ah looga keeniyo meello kale iyo Calaqga oo aay sameeystaan dadka isticmaalla kuwaas u badan dhalinyarro. Dhammaan maandooriyayaashaan waxaay halis ku wadda yihhiin caafimaadka iyo nolasha dhalinyaradda isticmaasha ee Soomaaliyeed.

 

 

Starts
Ends
Africa/Mogadishu
Jazeera Hotel
Hall
Airport Road, Mogadishu-Somalia
Go to map