14–15 Jun 2023
Jazeera Palace Hotel
Africa/Mogadishu timezone

Awards

Awards


Waxaan halkan uga mahadcelinaynaa shabakadda Waxbarashada iyo Cilmibaarista Soomaaliyeed ee Somali Research & Education Network, oo naga taageeray dhanka farsamada ee Shirweynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka Soomaaliyeed, oo maanta noogu soo xirmay Muqdisho.

SomaliREN waxa ay nagu taageertay barnaamijka maareynta shirarka ee SomaliREN Event Management System (SEMS), waxaana cilmibaarisyadii shirka laga jeediyay ku soo daabici doonnaa barnaamijka keydka cilmibaarista ee Somali Research & Education Repository (SORER) ee ay hirgelisay SomaliREN.


Waxaan halkan uga mahadcelinaynaa Shirkadda Tiknolojiyadda iyo Tababarada ee Jamhuriya Technology Solutions - JTech, oo naga taageertay dhanka nashqadeynta iyo maamulida baraha bulshada Shirweynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka , oo maanta noogu soo idlaaday Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel Jazeera.


Waxaan halkaan uga mahadcelineynaa Shirkadda Qurxinta Xafladaha iyo Munaasabadaha ee Hundubey Events management oo si hagar la’aan ah dadaalbadan ku bixyeen suurta galnimad qabsoomida Shirweynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaaddka.

 

 

 

 

 

 

 

 


Certificates of Appreciations have been awarded to all NHWS2023 presenters.